Faah faahin: Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood

Laasacaanood (RH)-Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, oo illaa haatan socda dhimasho iyo dhawaac bandanna leh, oo labada dhinac ba ah, sida ay wararku sheegayaan.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan, oo ah afhayeenka guddiga saddex iyo soddonka oday dhaqameedka ee reer Laascaanood, ayaa dhanka Somaliland ku eedeeyey inay weerarka qaadeen saaka.

Eedaas, ayaa waxaa lagaga jawaabay war saxaafadeed, ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday.

War saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay koox ay ku tilmaantay nabad-diid iyo aragagixiso, inay weerarka ku soo qaadeen ciidamadooda.

Hase ahaatee ciidamada deegaanka, ayaa waxay iyaguna weerarka ku eedaynayaan Somaliland ciidmadeeda, oo ay sheegeen inay iyagu weerarka qaadistiisa bilaabeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category