In ka badan 1.5 milyan oo xujey oo maanta taagan buurta Carafo

Maka (RH)-Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka.

Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda.

Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen.

Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Waxayna Alle ka rajaynayaan naxariistiisa iyo in ay xalay-dhalay ka noqdaan dambiyadii ka dhacay intii ay noolaayeen.

Dadkaas kala dhaqanka, kala midabka iyo kala luqadaha ah ee ka kala yimid dacallada dunida ayay Carafo maanta martigelinaysaa. Kuleylka qorraxdu aad ayuu u ku kulul yahay, oo heerkulku waa 45°, balse xamaasadda iyo dareenka haya ayaa ka tan badiyay kuleylka qorraxda oo ay qaarkood dallad uga gaashaanteen.

Maxabbo iyo isjaceyl walaalnimo ayaa ka wada muuqato, oo isku salaamayaan. Shanfaroofle isma fahmi waayo, oo af Carabi jajab ah ayay ku wada hadlayaan. Maanta lama kala labis qurxoona, oo isku dhar ayay xiran yihiin maalqabeenka sanad kasta Xajka ku laalaabto iyo waayeelka xoolihiisii soo xarraashay si uu sanadkaan ugu xajiyo. Qabka, kibirka iyo kala-sarreyntu halkan kama shaqeeyaan oo cidna maanta ma leh mudnaan gaar ah, mana ku kala sarreeyaan xilal oo halkan kama jiraan mid madax ah iyo mid loo yahay.

Xajku waa Carafa. Halkan ayay maanta xujeydu ku wada gudanayaan rukniga ugu weyn Xajka. Maanta waa dharaarta uu Alle addoomadiisa ugu badan ka xoreeyo naarta. Waa maalinka ay ducadu ugu fadli iyo barako badan tahay, sida uu suubbanuhu ﷺ i noo sheegay. Cunno maanta xoog uma helaan. Si aan kala joogsi lahayn ayay u duceysanayaan, waayo waxay la loollamayaan waqtiga, si uusan uga dhicin gabbalka maalinka fadliga badan.

Dad ka yar 1% ayaa sanadkan fursadda Xajka ka helay muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida oo ku dhow 2 bilyan. Balse fadliga maalinkan barakeysan ee Carafa kuma koobna xujeyda kaliya, ee waxaa maanta fursado dahabi ah oo loogu dabidhaafo u tahay muslimiinta aysan duruuftu u saamixin in ay xajiyaan, oo uu Rabbi soonka maalinkan darteed ugu deeqayo dambidhaafka sanadkii hore iyo kan soo socda.

Gabbaldhaca ka dib ayay ka rogmanayaan Carafa, una dareerayaan Musdalifa, halkaas oo ay caawa ku baryi doonaan, berri aroortiina uga sii kallihi doonaan Mina, oo ay ka sameyn doonaan dhagaxtuurka koowaad, xiirashada timaha, gowraca Allabariga, dawaafka kacbada, iyo in ay ku soo wareegaan Safa iyo Marwa.

Maalin Jimco ah oo ku beegan 1435 sano ka hor maanta oo kale, ayuu buurtaan taagnaa Nabi Muxammad ﷺ. Maalinkaas ayay halkan kula soo degtay Aayaddii ugu dambeysay Qur’aanka, oo uu Alle ugu sheegay in ay Diintu sidaas ku dhan tahay. Halkan ayuu Nabigu ﷺ asxaabtii kula hadlay, oo ugu jeediyay khudbad sagootin ah.

Wuxuu saxaabada kula dardaarmay in ay Qur’aanka iyo sunnada marjic iyo tixraac ka dhigtaan, wuxuuna uga digay in sheydaanku duufsado. Wuxuu ka warramay xurmada dhiigga, sharafta iyo xoolaha muslimiinta, wuxuuna ku boorriyay in ay is walaashadaan, kana fogaadaan wax kasta oo kalafogeyn kara. Wuxuu uga digay dulmiga, tuugannimada, ribada, boobka xoolaha dadka, musuqa hantida muslimiinta, iyo in dadka danta yar loo xoogsheegto.

Wuxuu Nabigu ﷺ boorriyay ilaalinta amaanada, oofinta ballamaha, iyo adkeynta caddaaladda iyo sinnaanta. Wuxuu uga digay aafada qabyaaladda, aanada qabiilka, takoorka, iyo kalasarreynta. Wuxuuna sheegay in ay dadku siman yihiin, oo uusan Carabku ka fadli badnayn Cajamiga, cabsida Allena ay tahay waxa kaliya ee lagu kalahorreeyo.

Wuxuu Nabigu ﷺ baraarujiyay xoojinta xiriirka qoyska iyo xuquuqda ay lammaanuhu isku leeyihiin, wuxuuna ragga kula dardaarmay in ay u dhimriyaan, baarrina u noqdaan xaasaskooda, ayna siiyaan xushmadda iyo xuquuqda ay mudan yihiin. Wuxuu boorriyay xiriirinta ehelka iyo qaraabada. Wuxuuna dardaarankii ku soo gunaanaday: Allahayow marqaati iiga noqo in aan gaarsiiyay!

Eebbe acmaasha haka aqbalo walaalaha sanadkaan fursadda u helay xajka ee maanta taagan Banka Carafo, annagana ha naga aqbalo soonkii iyo acmaashii suubbanayd ee aan gudannay; hana i noo kaso in aan Carafo dul joogsanno sanadaha xiga.

W/Q:Hussein Sabrie 

Macallin iyo Qoraa

Category