Kolding Gymnasium: Hoos u dhac ku yimid tirada ardayda dooranaysa STX

RH: Waxaa wali nool riyada  dhallinyarada danaynaysa xirashada koofiyadda guduudan ee ardayda dugsiyada sare ee STX, balse sannadkan ayaa waxaa si muuqata hoos ugu dhacay tirada ardayda soo codsatay Kolding Gymnasium.

Sanadihii lasoo dhaafay, tirada ardayda codsanaysa inay dhigtaan qaybta STX ee Kolding Gymnasium ayaa ahayd mid joogto ah oo u dhaxaysay 90 illaa 100 arday sannad kasta. Hase yeeshee sannadkan waxaa codsaday kaliya 69 arday, taasoo hoos u dhac weyn muujinaysa.

Maamulaha dugsiga sare ee Kolding Gymnasium, Sune Hother Petersen ayaa sheegay in inkastoo hoos u dhacu yahay mid laga xumaado, haddana aysan jirin sabab weyn oo walwal loogu qabo:

"Waxaa jira hoos u dhac qiyaastii 20 arday ah marka la barbar dhigo sannadkii hore. Waa arrin dabcan aad looga xumaado, laakiin ma ahan wax xaalad degdeg ah abuuri kara."

Waxaa sidoo kale jirta koror weyn oo ku yimid codsiyada ardayda dooranaysa qeybta caalamiga ah ee dugsiga (IB), taasoo ardayda fursad u siisa in ay helaan aqoonsi waxbarasho oo caalami ah iyo waxbarasho laba luqadood ku salaysan (Danish iyo Ingiriis).

Maamulka ayaa tilmaamay in isbedelka tirada ardayda ay qeyb ka tahay socodka dabiiciga ah ee tirakoobyada iyo doorashada ardayda, iyagoo tusaale usoo qaatay in mararka qaar ardaydu ay ku raacaan halka saaxiibadoodu badan yihiin, taas oo sababtay in Munkensdam Gymnasium uu sannadkan qaato arday badan oo ka badan sannadahii hore.

Maamulka Kolding Gymnasium ayaa hadda ka fakaraya qorshe cusub oo lagu xoojinayo soo jiidashada qaybta STX, iyadoo la eegayo qaabab cusub oo waxbarashada iyo maareynta iskuulka horumar looga samayn karo mustaqbalka dhow.

 

Diyaarinta warka

Mohamed-Amiin Siyad Abdi

Category