Madaxii maaliyadda iyo madaxii tababarada Shabaab ee gobolka Mudug oo la sheegay in la qabtay

Gudoomiyaha degaanka Bajeela oo 120km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug, Maxamed Shuuke ayaa sheegay in horjoogayaashii ugu sareeyey dhanka maaliyadda iyo tababarrada ee kooxda Alshabaab la qabtay.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda, ayuu sheegay in horjoogayaashan la qabtay, xilli ay ku dhuumaaleysanayeen koonfurta gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay ciidanka dib u xoraynta iyo kuwa Danad inay iska kaashadeen in gacanta lagusoo dhigo madaxii maaliyadda iyo canshuuraha Alshabaab iyo madaxii tababarada.

Shuuke wuxuu sheegay in lasoo qabtay xilli ay la socdeen gaari Leyla Cawaali ah oo u saarnaa raashin uu sheegay inay dad shacab ah kasoo qaateen.

Wuxuu ka gaabsaday inuu magacyadooda shaaciyo sababa la xiriira baaritaan ku socda.

 

Wuxuu sheegay inay kusii jeedeen deegaanka Camaara, si ay sahay ugu geeyaan Shabaabka ku go’doonsan dhulka la hareeyeeyay.

Category