Nin soomaaliya oo ku dilay nin ay wada deganaayeen magalaada Flensbrug.

RH: Maxkamadda sare ee Flensburg ayaa Jimcaha soo socota bilaabi doonta ka baaraandegidda kiis dil oo ka dhacay xaafad ajanabigu ku badanyihiin oo ku taaal  Flensburg. Nin Soomaali ah oo 24 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu dilay saaxiibkiis oo ay wada deganaayeen 19-kii Diseembar sanadkii hore.

Sida ku xusan eedeynta, ninka 28-jirka ah waxaa laga toorriyay madaxa, tooriddu waxay daloolisay lafta madaxiisa, waxaana uu laba maalmood kadib ku geeriyooday cusbitaalka.

Dilka tooridda ayaa ka dhacay guri ku yaalla waddada Harrisleer Straße oo ku taalla geeska Neustadt ee waqooyiga magaalada, halkaas oo ay ku badan yihiin ajaanibta. Xeer ilaaliyuhu wuxuu aaminsan yahay in sababta ay ahayd muran dhaqaale.

Ninka 24-jirka ah ayaa ka cararay goobta dembiga kadib. Bishii Janaayo ayaa ninka la qabtay iyadoo uu qabtay booliska Faransiiska ee magaalada Lille, kadib markii la soo saaray amar caalami ah oo lagu soo qabanayo. Eedeysanaha waxaa markii dambe loo gacan geliyay Jarmalka.

Ka dib tooriddii dhacday subaxnimadii 19-kii Diseembar, booliska iyo gurmadka degdegga ah ayaa si weyn ugu gurmaday goobta dembiga. In la badbaadiyo ninka dhaawaca culus qaba ayaa ahayd mid adag. Dhacdaddu waxay ka dhacday dabaqyada sare ee dhismaha, halkaas oo aan suurtagal ahayn in sariirtii  lagu qaadilhaa la soo saaro jaranjarta oo cidhiidhi aheyd awgeed kadib ninka 28-jirka ah waxaa lagu soo  qaaday wax la yiraahdo marada badbaadada.

ninkan ayaa la saarey maxkamad socotey 10 maalmood, waxaase aanu ka xunahay inaan sheegi karin xukunka ku dhacay , maadaama oo aanu qoraalka ka soo xiganey wargeys ka soo baxa jarmalka oo dhacdadan soo daabaxay bilowgii sannadkan.

Category