Soomaaliya oo saddex dal uga sare martay awoodda militeriga

Nairobi (RH)-Shirkadda daraaseysa arrimaha militeriga ayaa soo saartay liiska cusub ee sanadkan ay ku qiimeysay awoodda militeriga ee waddamada caalamka. Soomaaliya ayaa soo gashay boos ka duwan kii ay ku jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta shirkadda Globalfirepower waxay ku saleysan tahay xogta la heli karo ee dalalka ay u kuur gashay.

Bogga ay internet-ka ku leedahay shirkaddan ayaa dhawaan lagu sheegay in ilaa 60 arrimood loo cusaday soo saarista natiijada ugu dambeysa ee lagu soo bandhigo sida ay dalalka ugu kala awood badan yihiin dhinaca militeriga.

Isbeddel aad u weyn ayaa ka muuqda kaalmaha ugu sarreeya ee liiska iyadoo sida guud ay waddamo badan sameeyeen horumar halka qaar kalena ay hoos u dhaceen.

Tobanka waddan ee ugu sarreeya ayaa ka duwan kuwii liiska soo galay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka

Marka laga soo tago afarta dal ee sanad walba haya hoggaanka (Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya), waxaa 2023-ka waxaa hoos u dhacay Japan oo soo gashay kaalinta 9-aad, iyadoo sanadkii hore ku jirtay kaalinta 4-aad.

Pakistan oo booska 9-aad kasoo dallacday ayaa hadda ku jirta booska 7-aad oo ay ka baxsatay Faransiiska. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ingiriiska oo sanadkii hore ku jiray kaalinta 8-aad uu hadda sare ugu soo kacay kaalinta 5-aad.

Liiskan cusub ayey dalalka ugu sarreeya isugu xigaan sidan:

Mareykanka
Ruushka
Shiinaha
Hindiya
Ingiriiska
Kuuriyada Koonfureed
Pakistan
Japan
Faransiiska
Talyaaniga

Turkiga oo 2022-kii ku jiray kaalinta 13-aad ayaa sanadkan sameeyay horumar aan sidaas usii weyneyn, waxa uuna soo galay kaalinta 11-aad.

Isku darka 145 waddan ayaa lagu soo bandhigay liiskan oo lasoo saaro billowga sanad walba.

Soomaaliya

Sannadihii lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ahayd dalka militeri ahaan ugu awoodda yar qaaradda Afrika. Kosovo iyo Iceland oo keliya ayaa ka hooseeyay dhinaca dunida.

Inkastoo ay labadii dal ee ka awoodda yaraa Soomaaliya (Iceland iyo Kosovo), ka sare mareen sanadkan waxaa jira dhowr waddan oo hadda hoos u dhacay ayna ka horreyso Soomaaliy, sida ka muuqata liiska.

Saddex dal oo ay hoggaamineyso Soomaaliya ayaa kala ah Maldova oo ku yaalla qaaradda Yurub, Benin oo ku yaalla Galbeedka Afrika iyo Bhutan oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

Soomaaliya ayaa booska 142-aad uga jirta liiska, celcelis ahaanna waxay sanadkan sameysay hoos u dhac marka la eego dalalkii ka hooseeyay ee ka sare maray hadda.

Awoodda militeri ee Soomaaliya

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da'dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Xigasho: BBC

Category