Wasiir Fiqi: Ma jirto cid hor istaagi karta wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya

Wasiir Fiqi waxa uu sheegay, dowladdu in aysan u joojin doonin siyaasiyiin isku tagay oo ka hor yimid wax ka beddelka dastuurka, isagoo sheegay in aanay jirin gobol Soomaaliyeed oo ka maqan doorka  dib u eegista dastuurka.

“Wixii la dhihi jiray looma dhamma qabuurahay badiyeen. Waa nasiib darro in Sheikh Shariif uu yiraahdo hebel baa maqan, Somaliland ayaa maqan. Baarlamaanka Soomaaliya cid aan ku jirin malahan. Waxaan rabnaa in dastuurka laga hor wareego,” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in maalmaha soo socda aftida baarlamaanka loo qaadayo meel marinta afarta qodob ee dastuurka, isagoo sheegay in baarlamaanku gudanayo waajibaadka dastuuriga ah.

Khilaafka dastuurka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyadoo badi siyaasiyiinta aan dowladda katirsanayn ee qaarkood dalka soo xukumay ay ka hor yimaadeen wax ka beddelka dastuurka dalka, iyagoo digniin u diray dowladda.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa hoggaaminaya ololaha loogasoo horjeedo in faro galin lagu sameeyo dastuurka.

Category