London (RH)- Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa lagu soo bandhigi doono xogta ay soo aruurisay shirkadda sahmisa shiidaalka Spectrum, waxaana ka qaybgalaya xubno ka socda shirkaas, dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka soo saara.
Shirkan ayaa waxaa hareeyay muran badan, Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u beenisay in shirkan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.
Shirka oo hal maalin ah ayaa waxaa looga hadlaya sahan ay shirkadda Spectrum dhul baaxadiisu gaarayo 20km oo ku teedsan xeebaha Soomaaliya laga soo billaabo xuduuda Soomaaliya la wadaagto Kenya illaa iyo bartamaaha Soomaaliya.
Shirka ayaa sido kale looga hadli doonaa macluumaadka ay shirkadda aruusay iyo 30 bilyan oo barmiil oo isugu jira saliid iyo gaas in ay ku jiraan deegannadaasi oo baaxadooda lagu sheegay 173kun oo km oo isku weer ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigi doontaa shuruucda ku gadaaman shidaalka Soomaaliya laga soo saarayo iyadoo horrey u sheegtay baaritaanka ay shirkadda sameesay.
Marka laga tago warbixinadan ma jirto illaa hadda macluumaad kale oo laga hayo shirka ka socda magaalada London ee looga hadlayo shidaalka Soomaaliya.
Dad badan ayaa aaminsan shirkan in lagu bixinayo shatiyo la siinayo shirkad ajnebi ah, sidoo kale waxaa jira dad leh lama gaarin waqtigii shidaal laga soo saari lahaa Soomaaliya xilligan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia