Muxuu Sheekh Shariif u saluugay sida ciidanka loo maamulo loona hoggaamiyo hadda?

Muqdisho (RH)-Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeeyn u jeediyay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka gaabisay dhammaan howlihii laga rabay, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka.

Sidoo kale madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka hadlay hubkii dhawaan lagu boobay Degmada Caabud-waaq, isaga oo sheegay inuu halis ku yahay cunaqabateyntii hubka ee dhowaan laga qaaday Soomaaliya.

“Dadaal badan ayaa la geliyay in cunaqabateynta la qaado balse waa nasiibdaro in isla markiiba ay muuqato mas’uuliyad-daro ah in hubku uu gacanta u galo shacabka, Dowladuna ay ku lug leedahay oo ciidankeedii ay gelbinayaan hub sharcidaro ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekha Shariif ayaa ku eedeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu madaxda Maamul goboleedyada u sheegay in ay iska joogaan oo aanay doorasho qaban.

“Waxa nasoo gaartay in Madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamulada ee xiligoodu dhamaaday, iska jooga wax doorasho ah yaan la qaban” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas ku daray, “dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa”

Sheekh Shariif ayaa sheegay in sida ciidanka loo maamulo iyo sidi loo hoggaamiya ay khaldantahay, “Ma jirta hal guuto oo ciidanka ka mid ah oo dagaallami karto” ayuu yiri Sheikh Shariif oo intaasi ku daray in hanaanka loola dagaallamayo Alshabaab hadii uu saxsanyahay, maxay ciidanku usoo Jabeen.

Xigasho: BBC

Category