Tirada dadkii qaatey jinsiyada Denmark iyo intii loo diidey sannadkii hore

RH: Sannadkii 2023, tirada ajaanibta helay dhalashada waddanka Denmark waxay ahayd ku dhawaad 19,000 oo qof. Waxaa la arkay in tiradaas ay si tartiib ah u korortay marka loo eego sannadihii hore, taas oo muujinaysa in dad badan oo ka soo jeeda dalal kala duwan ay buuxiyeen shuruudaha loogu talagalay in la siiyo dhalashada Denmark.

Kororka tirada ajaanibta qaadatay dhalashada wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa siyaasadaha iyo shuruudaha cusub ee dowladdu dejisay, kuwaas oo la xiriira arimo isku dhafan sida xirfadaha, aqoonta luqadda, iyo muddada degenaanshaha.

waxaa jira dad la diidey codsigoodii ku saabsanaa in ay helaan dhalashada Denmark sannadkii hore 2023 kii. Baadhitaan ay Radio hormuud sameysay waxaan ku ogaaney in  la diidey codsiyada in ka badan 1,500 oo qof, oo ay ku jiraan dad ka soo jeeda waddamo kala duwan sida Ciraaq, Afghanistan, iyo Soomaaliya. Sababaha ugu badan ee loo diiday codsiyada waxaa ka mid ah buuxin la'aanta shuruudihii looga baahnaa, sida joogitaanka muddada dheer iyo shuruudaha luqadda.

Gudiga qaabilsan go'aamada la xiriira jinsiyadda Denmark, oo loo yaqaan "Indfødsretsudvalget," (indkuudisqaat udfaal) waa guddi gaar ah oo ka tirsan Baarlamaanka Denmark (Folketinget) . Gudigan ayaa mas'uul ka ah dib-u-eegista iyo go'aaminta codsiyada dhalashada gaar ahaan kuwa u baahan dib u habeyn ama ka-talin gaar ah.

Gudigan waxaa ka mid ah xildhibaano ka socda xisbiyada kala duwan ee Baarlamaanka, waxaana gudoomiye u ah mid ka mid ah xildhibaanadaas. Tirada xubnaha gudiga waxaa la beddeli karaa iyadoo ku xiran shuruudaha iyo xaaladaha siyaasadeed, laakiin guud ahaan waxay ka koobnaadaan dhowr xubnood oo si siman u matalaya xisbiyada kala duwan ee ku jira Baarlamaanka.

Hawsha ugu weyn ee gudigan waa in ay dib u eegaan oo go'aan ka gaaraan codsiyada kuwaas oo aan si toos ah u buuxin karin shuruudaha caadiga ah ee jinsiyadda, ama kuwa loo baahan yahay in lagu sameeyo ka-fiirsi gaar ah. Gudigu wuxuu sidoo kale ka talin karaa xaaladaha gaarka ah ee la xiriira jinsiyadda sida marka qofka loo baahan yahay in laga dhaafo shuruudo gaar ah oo uu ka maqnaado.

Gudigan wuxuu qayb muhiim ah ka qaataa habka samaynta sharciga jinsiyadda oo Baarlamaanku ansixiyo labo jeer sannadkii, badanaa gu'ga iyo dayrta.

 

Guddoomiyaha hadda ee guddiga  go’aan ka gaadhida Jinsiyada ee Denmark waa Mikkel Bjørn, oo ka tirsan xisbiga Dansk Folkeparti.

 

Shuruudaha rasmiga ah ee uu qofka ajanabiga ahi ku qaadan karo jinsiyadda Denmark waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

  1.  Degenaansho joogto ah Qofka waa inuu haystaa oggolaansho joogto ah iyo degenaansho aan kala go’ lahayn oo ugu yaraan 9 sano, hase yeeshee xaaladaha qaar sida qaxootiga ama muwaadiniinta waddamada iskandanaafiyanka  muddadan way kala duwan yihiin.
  2. Luuqadda: Waa in qofku leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan luuqadda Danishka, taas oo badanaa lagu caddeeyo imtixaan loo yaqaan 'Danskkundskaber'.
  3. Imtixaanka Jinsiyadda: Qofka waa inuu gudbaa imtixaanka loo yaqaan 'Indfødsretsprøven', oo ah imtixaan ka kooban su’aalo la xiriira taariikhda, dhaqanka, iyo nidaamka siyaasadeed ee Denmark.
  4. In aanu ku tiirsaneyn kaalmada dadweynaha la siiyo : Qofka waa inuu caddeeyaa in uusan ku tiirsaneyn caawinta dhaqaale ee ka timaada dawladda ee aan ka ahayn faa'iidooyin cayiman, sida gunnada shaqada.
  5. Nidaamka anshaxa: Qofka ma helin karin jinsiyadda haddii uu galay danbiyo waaweyn ama uu ku yeeshay dembi la xiriira xadgudubka sharciga bulshada.
  6. Ka qaybgalka xafladda Dastuurka: Marka qofka loo oggolaado jinsiyadda, waxaa looga baahan yahay inuu ka qaybgalo xaflad gaar ah oo lagu dhaariyo inay ixtiraamayaan Dastuurka Denmark.

Shuruudahan waa kuwo adag oo loo sameeyay in la hubiyo in dadka qaadanaya jinsiyadda ay si wanaagsan u dhexgalaan bulshada Danishka oo ay aqbalaan qiimaha iyo xeerarka bulshada.

 

Diyaarinta : Mohamed-Amiin Siyad Abdi

 

 

 

Category