Muxuu yahay Markabka ay ka hor timid Somaliland ee yimid xeebaha Soomaaliya?

Ankara (RH)-Dawladda Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diraysa markabkeeda shidaalka sahamiya ee Oruc Reis. Tallaabadan ayaa daba socota kaddib heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale oo horraantii sannadkan ay wada galeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Markabkan ay diyaaraduhu korkiisa ka haadaan ee Orus Reis waxa leh waaxda baadhista iyo sahaminta macdanta ee Turkiga. Marar badan ayuu qayb ka noqday xiisadda bariga badda Mediterranean-ka, markanna waxa uu ku soo wajahan gobolka isddiidooyinku hadheeyeen muddoonkan ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan Jimcihii la soo dhaafay baarlamaanka dalkiisa geeyay codsi uu ku dalbanayo in ciidammada millatariga ee Turkiga loo daabulo xeebaha Soomaaliya sida ay ku warrantay wakaaladda dawladdu leedahay ee Anadolu.

"Waxaan u direynaa markabka Oruc Reis, marka la gaadho dhammaadka Sebtembar ama bilowga Oktoobar. Wuxuu halkaas ka samayn doonaa daraasad aad muhiim u ah. Natiijada shaqadan, waxaan rajaynaynaa in ay ka soo bixi doonto qodista iyo rajada laga qabo in la soo-saarista shidaalka. Runtii, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo lagama maarmaan u ah Soomaaliya iyo dalkeennaba.”

Qoraalka sawirka,Markabka Oruc Reis ee Turkiga


Sannadkii 2015-kii ayaa la soo gabagabowday shaqo muuddo sannado ah socototay oo lagu farsamaynayay markabkan, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee la shaaciyo in Oruc Reis uu hawlgal u diyaarsan yahay.

Waxa loogu magac daray sulaadnkii Cusmaaniyiinta u qaabilsanaa magaalada Aljares ee hadda caasimadda u ah Aljeeriya oo la odhan jiray Oruç Reis.

Dhererka markabkan ay galbiyaan maraakiibta kale ayaa gaadhaya 87 miter halka ballaciisu uu yahay 23 miter. Waxaan uu awood u leeyahay in uu sameeyo sahan juquraafiyeed iyo naqshado qoto dheer oo uu ka soo qaado badda gunteeda kuwaasi oo lagu qiyaaso 20,000 mitir (66,000 ft).

Hadda ka hor waxa uu xuddun u noqday muranka biyaha ee ka dhexeeya Turkiga iyo Giriigga, kaddib markii Ankara ay gaadiid-badeedkan u dirtay biyaha lagu muransan yahay ee bariga Badda Mediterranean-ka bishii May 2019-kii.

Markabka ayaa xilligaasi bilaabay sahaminta iyo qodista shidaalka oo laga sameeyay meel waqooyiga kaga beegan Jasiiradda Qubrus. Taasina waxa ay qarka u saartay in labada waddan ee Giriigga iyo Turkiga ay dagaallamaan.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa xilligaasi daboolka ka qaaday ilaalinta markabka Oruc Reis intii lagu guda jiray howlgallada sahaminta ee Bariga Mediterranean-ka muddo 82 maalmood ah.

Maraakiib dagaal iyo gujisyo badda quusa ayaa ka garab shiraacday Oruc Reis markii uu u jihaystay biyaha lagu maransan yahay, waxaana muddada uu hawlgalka waday gaafwareegayay diyaaradaha dagaalka iyo kuwa qummaatiga u kaca, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi.

Muxuu ka qaban doonaa Soomaaliya?

Muxuu ka qaban doonaa Soomaaliya?

Oruc Reis ayaa dhammaadka bisha September ama bilowga October u jihaysanaya in uu baroosinka ku xidho xeebaha Soomaaliya. Wasiirka tamrata iyo khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in baadhis ay ka samayn doonaan saddex ka mid ah xidhmooyinka shidaal ee ay Soomaaliya leedahay. Waxa uu sheegay in hal aag oo ka mid ah dhulka la sahaminayo gudaha loo geli doono badda ilaa 50km, halka aag kale dhinaca badda hore loogu socon doono 100km.

“Waxaan aamminsan nahay in saliid iyo khayraad dabiiici ah u uku jiro xeebaha Soomaaliya. Waxa aan kala saxeexannay sahaminta saddex xidhmo. Turkigu waxa uu xaq buuxa u leeyahay baadigoobka iyo soo saarista shidaalka markii laga helo goobaha,” ayaa uu yidhi Alpasan Bayraktar.

Turkiga ayaa ku faanay in xilligan uu ka mid yahay dalalka ugu horumarsan maraakiibta sahamisa shidaalka. Bishii August 2022-kii waxa uu shaaciyay soo saaristii shidaal ee ugu badnayd taariikhda dalkaasi oo gaadhaysay 5.5 milyan oo miter cupic maalin walba.

Ankara ayaa sanado badan khibrad ah u leh sahaminta tamarta badda tan iyo markii ay gaas ka heshay badda madow, sannadkii 2020-kii.

Sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Turkigu, wajiga kowaad ee hawalaha sahaminta ayaa loo adeegsan doonaa naqshad 3D ah, waana sababta loogu baahday markabka Oruc Ries.

Natiijada sahaminta oo loo badinayo in bilooyin ay qaadan doonto waxa xigi doona in la gudagalo qodista iyo saarista shidaalka.

Soomaaliya iyo sahaminta shidaalka

Wixii ka horreeyay burburkii dawladdii Soomaaliya 1991-kii, Soomaaliya waxa ay heshiisyo kula jirtay shirkado caalami ah oo qaarkood hawlo shidaal-qodis ah ka fuliyay Soomaaliya. Waxa ka mid ahayd shirkadda Royal Dutch Shell and ExxonMobil oo shaqooyin noocan ah ka qabatay Soomaaliya burburka ka hor.

Marar kale, dawladda Soomaaliya waxa ay heshiisyo la gashay shirkado shidaal oo ay ku jirtay middii lagu murmay ee fadhigeedu ahaa Maraykanka. Heshiiska la la galay shirkadda Coastline ayaa dhigayay in 7 ceel ay qodistooda bilowdo sannadka 2025-ka, ka hor intii aanay madaxda dawalddu laalin heshiiskaas.

Dawaldda Soomaaliya ayaa horraantii sannadkan shaacisay in dabayaaqada 2024 la soo saari doono gaaska caydhiin ee Soomaaliy oo noqonaya kii ugu horreeyay taarikhda dalka. Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bishii February wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in hawsha sahaminta shidaal ee Soomaaliya oo la siiyay shirkado gaar ah ay marayso maraxladdii ugu dambaysay.

Xilli sii horraysya dawladda Soomaaliya ayaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya u dirtay deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, iyaga oo dadweynaha kala hadlay sida ay saamaynta ka dhalan karta.

Soomaaliaya ayaa la aamminsan yahay in uu ku jiro kayd shidaal oo fara badan, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn xaddiga dhabta ah ee gaaska iyo saliidda Soomaaliya.

Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliya uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo foosto, in kasta qiyaasta dhuleed ee al sameeyay ay aad u koobnayd.

Xigasho: BBC

Category