
Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta barqadii dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu joogay saddex cisho.
Ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhawaayay duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen waxa ay kulamo la yeesheen shacabka iyo maamulka Khaatumo, iyadoo ra'iisal wasaaraha uu ku dhawaaqay Khaatumo in ay noqotay maalmulkii ugu dambeeyay ee ka mdi ah noqda dowladda federaalka.
Ra'iisal wasaare Xamse ayaa sidoo kale, intii uu joogay Laasacaano, waxaa lagu wareejiyay maxaabiis gaaraya 25 qof kuwaasoo maamulka Khaatumo ay ku qabsadeen dagaalkii ay la galeen Somaliland sannadkii 2023-kii.
Dad badan ayaa soo dhaweeyay safarka ra'iisal wasaaraha uu ku tegay Laasacaanood, walow ay jiraan siyaasiyiin iyo madax kale oo saluugay safarkaas.



Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu-Somalia