Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jig-jiga(RH)Waxaa maanta Magaalada Jig-jiga ee Xarunta DDSI ka Dhacay  banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo waxqabadka Raisal-wasaaraha JDFI Dr Abyi Ahmed,waxaana soo qaban-qaabiyey  ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee HEEGO. Iyadoo banaanbaxanina ahaa mid islamarkaana lagu canbaaraynayo qarixii foosha xumaa ee kadhacay magaalada Adis-ababa. Waxaana banaanbaxan kala soo qaybgalay bulshada iyo dhalinyarada kacaanka gaamuray ee heego Madaxwaynaha DDSI  Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay munaasibadda 26-ka June ee sanadkii 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska oo ay maxmiyad u ahayd, taas oo maalinta berri ah ku beegan.