Warar

 Shiinaha ayaa Sacuudiga ka caawinaya in uu dhisto meelo uu ku sameysto nuclear xilli laga cabsi qabo in isbedeladii dhowaan dhacay ay muujinayaan in hanjabaadii jilicsaneyd ee Maxamed bin Salmaan ay run noqon karto, taasi oo ahayd in boqortooyadda ay sameysaneyso Nuclear.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa weriyay todobaadkaan in Shiinaha uu ka shaqaynayo dhismaha warshad uu Sacuudigu ku bacriminayo Uranium-ka, taasi oo ah isbedel weyn oo lagu sameynayo barnaamijka Nuclear-ka ee dadweynaha Sacuudigu isticmaalaan.