11 Qoddob Oo Lagu Kala Xaqay Beelo ku Dagaalamay Koonfurta Gobolka Sool

Laas-caanood(RH)Guddi  culimo ah oo madax-bannaan  ayaa maanta  ka soo saaray magaalada Laascaanood  11 qoddob oo ay u kala xukumeen  laba beelood oo walaalo ah oo wada degan  koonfurta Sool oo shaqaaqooyin khasaare dhimasho sababtay ay dhowaan ku dhexmartay  gobolka Sool.

Kulankii lagaga dhawaaqay  xukunka, waxa ka soo qaybgalay Weftigii ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed,  maamulka gobolka Sool, madax-dhaqameed iyo  waxgarad kala duwan oo ka socday labada ardaa ee koonfurta Sool ku diriray.

 

Guddoomiyaha Guddidii culimadda   Sh. Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil  ayaa sheegay in Beesha  Khayr Cabdi (Qayaad)  lagu xukumay inay bixiyaan magta 13 nin oo dhimasho ah, oo magtoodu tahay 1300 oo Halaad.

Halka  Beesha Habararsame  iyagana lagu xukumay inay bixiyaan  magta 6 nin iyo Gabadh oo lagu xaqay 650 halaad.

Guddoomiyaha Guddida culimadda   Sh. Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil  wuxuu sheegay in labada dhinac ay magtaas ku bixin doonaan muddo lix bilood ah oo ku eg 8/4/2019ka.

Sidoo kale,  waxa Guddidu ay muddo saddex bilood ah oo ku eg 8/1/2018 dib u dhigeen  dhaawacyada ay isku sheegteen labada beelood. Waxa Kaloo  qoddobada  xukunka ka mid ah  laba baabuur oo la isku celinayo iyo  xukunka guryo labada dhinac  kala gubeen.

Cuqaasha labada ardaa ayaa caddeeyey inay fulinayaan 11-ka qoddob ee lagu kala xukumay oo ku salaysan shareecadda islaamka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax  ayaa ammaanay guddidii culimada ee kala xukumay beelahaas iyo madax-dhaqameedkii  isku hawlay in la soo afjaro colaadii dhex martay beelaha walaalaha  ah.

Waxa kaloo Guddoomiye Baashe uu  ku bogaadiyey  xukuumadda Somaliland inay kaalin weyn ka qaadatay nabadeynta beelaha koonfurta gobolka Sool, waxaanu xusay in wasiirka Daakhiligu uu dedaal badan geliyey sidii loo soo afjari lahaa colaadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa balanqaaday in xukuumaddu ay si buuxda u ilaalinayso fulinta go’aamada lagu kala xaqay beelahaas,waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo ka qaybqaadatay daminta colaadii khasaaraha dhalisay ee dhex martay labadaas ardaa ee  ma-huraanka ah.

Category