Berbera(RH):-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jarey mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee Berbera.