48 qof Oo ku dhaawacmay Dab-weyn Oo Ka Kacay Dugsi Waxbarasho Oo Ku Yaala Hargeysa

Hargeysa(RH):-48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab-weyn oo galabta ka kacay machad lagu barto culuumta diinta oo ku yaala magaalada Hargeysa kaasi oo lagu magacaabo Dacwa.

Ciidanka Dab-demiska oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samatabixiyey dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Caasimada Hargeysa.

afartan dumar ah iyo sideed rag ah ayaa ku dhaawacmay , sida oo kale waxa uu dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska kaasi oo samatabixinaayay dadka ku jiray dhismaha uu dabku ka kacay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin u jeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday gaadhayayna 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhammaan ardaydaas oo ku jiray Dhisme ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid,Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, sidoo kale ardayda ayaa ku neefqabatoobday qiiqii Dabkaa ka dhashay.

Category