Afar Masuul Oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay  Xukuumaddii Silaanyo Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho

Hargeysa(RH)wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Afar Wasiir Oo Xukuumaddii  Madaxweyne Silaanyo ka tirsanaa ay maanta si kedis ah  uga dageen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay illaa Hadda ku sugan yihiin.

Masuuliyiintan ayaa kala ahaa Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ee xukuumaddii hore ee Kulmiye Khadar Axmed Diiriye, sidoo kalena Xilal Agaasime Guud ka soo qabtay Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Axmed Keyse Guray iyo Masuul kale oo aanaan magaciisa helin, balse isna Xil Wasiir ku xigeen kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa sida la xaqiijiyay ka degay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxa sidoo kale la socday sida lanoo xaqiijiyay Siyaasiyiin kale iyo aqoonyahano dhalinyaro ah.

 

Lama garanayo ujeeda safarka masuuliyiintani u tageen Dalka Soomaaliya, inuu yahay mid siyaasadeed iyo inuu yahay dano shakhsi, balse Waxay ku soo beegmaysaa wakhti ay aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee dalka Somaliland ay ku sii qul qulayaan Dalka Soomaaliya si ay shaqo uga raadsaan. Tiro Afar kun oo qof kor dhaafaysa oo reer Somaliland ah ayaa mudooyinkan u dambeeyay ka degay Muqdisho sida lanoo sheegay.

Geesta kale mar  ay Warbaahinta Hormuud isku dayday  inay la xidhiidho masuuliyiintan si aanu wax uga weydiino u jeedada socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin.

Category