Ciidamada dab-damiska, booliiska iyo ambalaasta oo u gurmaday dab ka kacay guri ku yaal Højhuse

RH: Fiidnimadii  xalay Arbacadii, ku dhawaad 8-da fiidnimo, ciidamada dab-damiska, booliiska iyo ambalaasta ayaa u baxay wicitaan sheegaya in dab uu ka kacay guri ku yaal dabaqa sare ee Fjordparken ee ku yaal Kløvervej, magaalada Kolding.

Wararka laga helay Presse-fotos.dk ayaa sheegay in aysan jirin calaamado muujinaya dab weyn, mana jirto cid dhaawacantay oo la xaqiijiyay.

Warbaahinta Radio Hormuud waxay isku dayday inay faahfaahin ka hesho hay’adda dab-damiska ee TrekantBrand, balse ilaa hadda wax jawaab ah lagama helin.

Booliiska iyo dab-damiska ayaa booqday guriga la sheegay in dabku ka kacay, kaasoo ku yaal dhisme 12 dabaq ah, laakiin wararka hore waxay muujinayaan in aysan jirin waxyeello weyn ama dad ku waxyeelloobay dhacdadaas.

Category