Dawladda Somaliland oo baadhaysa dad looga shakiyey Coronavirus

Hargeysa(RH)Guddiga ka hortagga iyo U diyaargarowga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baadhitaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan Coronavirus,isla markaana ay ka qaadeen Dheecaano loo diray dibedda si baadhitaan rasmi ah loogu sameeyo,iyada oo inta ka horeysana dadkan lasii karantiimayn doono.

Guddoomiyaha guddida ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn cid rasmiya oo la xaqiijiyey inuu hayo ducurkaasi, balse ay jiraan dad karatiimaynsan oo Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay baadhitdaankooda, sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay jiraan dad kasoo jeeda Gobolada Putland oo kasoo degay Garoomada Somaliland kuwaasi oo iyagana la karantiimeeyey haddana ay ku wareejin doonaan maamulkooda.

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus ee Somaliland ,ahna Madaxweyne ku xigeenka dalka , Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil ayaa sheegay in ay karantiimeen saddexda qof ee ka yimi dalka Jabuuti ee ay ku arkeen calaadaha uu leeyahay cudurku . kuwaas oo kasoo galay dhinaca xeebta Saylac .  

Category