Golaha Deegaanka Birmingham Oo Aqoonsaday  Somaliland

LONDON(RH)Golaha Deegaanka Birmingham ayaa shaaciyey  inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed  ka soo baxay Xafiiska Somaliland ee UK oo u qornaa sidan:-Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ayaa munaasibad ay maanta  qabteen waxay ku dhawaaqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal  madax-bannaan.

Magaalada Birmingham oo ah ta labaad ee ugu dadka badan UK, isla markaana ka mid ah dawladaha Hoose ee ugu waaweyn Yurub oo ay degan yihiin dad badan oo reer Somaliland ah ayaa shannaysay  afartii degmo ee hore u aqoonsaday Somaliland oo kala ahaa Cardiff, Sheffield, Bristol iyo Tower Hamlet.

Dhammaan xildhibaannada ka soo kala jeeda xisbiyadda UK ee ku jira Golaha Degaanka ee Birmingham ayaa isku waafaqay go’aanka ay ku shaaciyeen aqoonsiga ay ugu dhawaaqeen Somaliland, waxaanu go’aankoodu ka turjumayaa iskaashiga iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska.

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland  u qaabilsan UK, Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka qaybgashay munaasibadaas oo ku hadlaysay magaca Xukuumadda Somaliland  si weyn uga mahadcelisay  Golaha deegaanka ee Birmingham waxaanay tallaabada ay qaadeen ku sifaysay mid  taariikhiga ah ee waxtar leh.

Waxa kal oo Danjire Ayaan Cashuur ay sheegtay in qaraarka aqoonsiga ee Golaha Deegaanka Birmingham uu dhiirigelinayo Horumarka, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Category