Khilaaf Xoogan Ka Oo Soo Kala Dhexgalay Maamulka Hargeisa Club Hotel iyo Xukuumadda

Hargeysa(RH)Wasaaradda hawlaha guud ee JSL ayaa hakisay dhisme dib u habayn ah oo laga waday hoteelka caanka ah ee Hargeisa Club oo dadka hadda dhisanayaa u bedeleen magaciisa Olympic hotel. Hoteelka ayaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin muddo 20 sanandood ah inuu kiraysto u qoray Suldaan Siciid Maxamed Ducaale.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay wasaaradu ka soo saartay joojinta dhismaha hoteelka ku socday bilihii u dambeeyay, laakiin warar xogogaal ah oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wasaaradu saddex maalmood ka hor joojisay dhismihii hoteelkan laga waday.

 

Wasaaradda hawlaha guud ayaa waxa ay hakintan u cuskatay laba qodob oo kala ah magacii caanka ahaa ee Hargeisa Club oo ay muwaadiniinta dhisanayaa ka bedeleen una bixiyeen magac an Olympic hotel iyo qodobka labaad oo ah in aanay sharci ahayn muddo 50 sannadood ah oo uu wasiir ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qoray Suldaan Siciid inuu hoteelka masuul ka ahaado. Wasaaradda hawlaha guud ayaa la sheegay inay labadan qodob ee magaca iyo 50ka sannadood u aragto sharci darro.

 

Hoteelka ayaa hadda waxa dib u dhis ku samaysanaya muwadinka Jaamac Karaaciin, waxaana la sheegyay inuu Jaamac Karaaciin dhismahan bilaabay ka dib markii uu heshiis saami ahi dhex maray Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka kireeyay muddo 20 sannadood ah, laakiin ay xukuumadii dambe ee Madaxweyne Siilaanyo ugu dartay muddo 50 sanandood ah

Category