Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Xarumaha Maxkamadaha Dalka

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo xeer ilaalinta guud, waxaana uu  u kuurgalay hannaanka ay shaqada garsoor ee ay bulshada u hayaan ka socoto, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta maxkamadda sare ee dalka.

 

 

 

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu horrayn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta maxkamadda sare, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo garsoorayaasha kala duwan ee maxkamaddaas ka hawlgala, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo hirgeliyey maxkamadda sare.

 

 

 

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin  la xidhiidha heerarkii kala duwanaa ee ay maxkamadda sare iyo waaxaha kala duwan ee garsoorka qaranku soo mareen, isaga oo si ballaadhan u ammaanay safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo madasha gob-joog ku ahaa, isla markaana ay dawladdiisu qayb libaax ka qaadatay dhismaha xarumaha cusub ee maxkamadda sare loo hirgeliyey iyo tababarro kala duwan oo shaqaalaha loo qabtay.

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadal kooban u jeediyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha maxkamadda sare, waxaana uu ku ammaanay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay caddaalad iyo sinnaan ugu garsooraan bulshada ay adeegga u hayaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Bahda garsoorku marxado badan bay soo mareen, nasiib wanaag muddadii aynu distoorkeena samaysannay waxa inoo hirgalay aqoon badan oo xagga dhallinyarada ah oo waliba uu ugu horreeyo dhinaca sharcigu, Jaamacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kala ee dalkuba waxa ay soo daayeen aqoon yahan da’yar oo xoog ah, waxaana ay keeneen firfircooni, aqoon cusub, qoraallo, doodo dhinac walba ah, taas oo awood siisay garsoorayaashii hore ee iyagu khibradda  hayey, aqoontiina bartay, waxaana aad ku guulaysateen inaad isla heshaan waayo araggii odayaasha hore iyo firfircoonidii da’da yar iyo  intan dambe hoggaamin wanaagsan oo aad hesheen oo aad dhammaantiin midowdeen.”

 

 

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa si gaar ah u sharraxay muhiimadda uu garsoorku qaranka ugu fadhiyo, “Garsoorka waxa aanu u ognahay inuu yahay mideeyaha dalka, haddaanu garsoor jirina dalku ma midoobayo, waayo qofku caddaalad buu doonayaa caddaalladiina iyagaa haya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu koormeerkiisa shaqo ku tegay xarunta Xeer Ilaalinta guud ee qaranka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan iyo saraakiisha kale ee xaruntaas ka hawlgala, waxaana uu madaxweyuhu warbixin  ku saabsan habsami-u-socodka hawlaha shaqo ka dhegaystay Xeer Ilaaliyaha guud, isaga oo ku bogaadiyey sida hufan ee ay bulshadooda ugu adeegaan.

 

 

 

Goobaha kale ee uu madaxweynuhu kormeerka shaqo ku tegay, ayaa waxa kamid ah Maxkamadaha rafcaanka, gobolka Maroodijeex iyo midda degmada Hargeysa, waxaana halkaas warbixin ku siiyey masuuliyiinta maxkamadahan oo dhammaantood ku gudo-jirey hal-maalmoodkooda shaqo.

 

 

Category