Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Gobolka Awdal

Boorama(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaadhay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.

Weftigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirrada Wasaaraddaha Beeraha, Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorame.

Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Awdal oo hadal ka jeediyey soo dhaweynta loo sameeyey weftiga uu Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay  inay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin imaanshaha Weftiga sidoo kalena ka warbixin doonaan waxqabadka iyo horumarka ay u idman yihiin ee Gobolka iyo Degmadaba.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Axmed Muumin Seed oo ka hadlay ujeeddada weftiga ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Weftigiisu ay dhawr maalmood ku sugnaan doonaan Magaalada Boorame islamarkaana ay kulan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa Magaalada Boorama ayaa ku sugnaan doona muddo Afar maalmood ah, isagoo kulamo kala gedisan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Awdal.

Category