Puntland oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Tukaraq

Punland ayaa ka hadashay dagaal culus oo saaka hiiradii ka qarxay deeganka Tukaraq ee gobalka Sool.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac balse si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Afhayeenka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jecel) oo saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay dagaalka soo qaadeen isla markaan ay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenku, waxaa kaloo uu Somaliland ku eedeyey in ay caburin ku hayaan dadka magaalada Laasacaanood oo ay ciidamo boolis ah oo laga keenay Burco iyo Hargeysa la keenay magaalada kuwaasoo dadka u diiday in ay cibaadeystaan maadama lagu jiro bil ramadaan.

Dagaalka saaka ka qarxay Tukaraq ayaa is taagay markii uu saacad socday, basle maanta duhurkii ayuu dib u billowday, waxaana adag in la helo macluumaad ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka maanta Somaliland iyo Puntland dhex maray ayaa ka khasaara yar kii 15-kii bishan ku dhex maray aagga maanta lagu dagaallamay.

Labada dhinac ayaa mid kasta sheegaya in weerarka dhinciisa lagu soo qaaday.

Category
Location