Saaxil : Laba Qof Oo Ku Dhintey Qarax Miino

Berbera(RH):-Laba Carruur ah oo Walaala, ayaa ku dhintay Duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera ee gobolka saaxil, ka dib markii ay Miino ku qaraxday. Waxaana ka warbixiyey sida wax u dheceen Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle, Cabdi Cali Xayd.

Labada marxuum ayaa la odhan  jiray Shaafici Cabdi Jaamac iyo Subeer Cabdi Jaamac oo jiray  3 sanno iyo 5 sano , ayaa Miinadu ku qaraxday ka dib markii ay hadhaaga Hub ay heleen ku rideen Dab ay Qoyskoodu wax ku karsanayeen.

Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdi Cali Xayd oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Waalidka ubadka dhalay guriga ka maqnaayeen marka labada Wiil walxaha qarxa dabka saareen, waxaanu sheegay in Qoysku yahay Xoolo-dhaqato.

 

Category