Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Somaliland Ee Dawladda Oo Kor U Kacday 45% Sanadkan ilaa 2014-kii

Hargeysa(RH)Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Somaliland Ee Dawladda ayaa Kor U Kacday 45% tan iyo 2014-kii Iyo Xukuumadda ka dib markii ay Xukuumadu Joojisay Shaqaalaha Ku Meel Gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Hay'addaha Dawladda Somaliland.

Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE, ayaa kumanaan dhalinyarro ah shaqo abuur u sameeyey 10-kii sanno ee u dambeeyey.

 

Dhalinyaradan, ayaa laga hawl galiyey Wasaaraddaha iyo Hay'addaha kala duwan ee Dawladda, inkasta oo fursadahan shaqo ee dhalinyaradu heshay aanay ahayn qaar si furan oo daah-furan loogy tartamay, haddana sida ay Wasaaradda Horumarinta maaliyaddu ku xustay Buugga Miisaaniyadda 2021-ka, waxa 45% kor shaqaalaha dawladda tan iyo 2014-ka, markaas oo ay marayeen shaqaaluhu 14, 312, halka sannadkii dhammaaday ay gaadheen 20805 shaqaale ah.

Sida ka muuqata Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyaddu diyaarisay ee sannadka 2021-ka ee dhawaan uu ansixiyey Golaha Wakiilladu, waxa korodhka ku yimid shaqaalaha dawladda ay ku macnaysay in ay tahay adeegyadeeda dawladdu kordhisay iyo fursadaha shaqo abuur ee ay sameysay.

er

Dhinaca kale, Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ayaa sheegtay in shaqaale rasmi ah laga dhigay shaqalihii ku meel gaadhka ahaa ee joogay Wasaaraddaha, isla markaana lagu daray mushaharkoodii Miisaaniyadda 2021-ka “Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddadu iyadoo fulinaysa Go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiiradda J SL oo lagu ansixiyey in shaqaale joogta laga dhigo shaqaalaha sida ku meel gaadhka ah u jooga Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda, islamarkaana la soo afjaro shaqaale dambe oo ku meel gaadh ah ayaa waxa Miisaaniyadda 2021 lagu daray dhamaan Shaqaalihii ku meel gaadhka ahaa ee ka hawl gali jiray dhamaan Hay’addaha Dowladda marka laga reebo labada Wasaaradood ee Caafimaadka iyo Waxbarashada oo iyagana lagu dari doono sanadaha soo socda.

Category