Somaliland Oo Shaacisay In Todobaadkii U Dambeeyay Cudurka Covid.19 Laga Helay 119 Qof

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Todobadii maalmood ee u dambeeyey Cudurka Covid.19 laga helay 119 Qof

 

Dadka laga helay   Cudurka Corona Virus oo dhamaantood u dhashay Somaliland ayaa tirada ragga ah ee laga helay cudurka, wasaaraddu ku sheegtay 73, Rag ah iyo 46, Dumar ah.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, waxa ay sheegtay in tirdada dadka ugu badan ee cudurku uu ku dhacay ay da’doodu u dhaxayso 20 jir ilaa 49 jir.

Wasaaraddu waxa ay ugu baaqday bulshada Somaliland in ay Guryaha joogaan oo ay joojiyaan goobaha la isugu imanaayo iyda oo dadka imanaaya goobaha shaqadana ugu baaqday in ay isticmaalaan agabka ka hortaga ee Covid 19, isla markaana ay xidhaan Afka iyo Gacmo gashi.

Geesta kale wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa olole ku saabsan wacyi’gelinta xannuunka Corona-virus ka fuliyay degmada Wajaale oo ah magaalo xuduudeed.

Madaxa fayo-dhawrka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo u waramaayay warbaahinta,ayaa sheegay in kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadku ay fariimo caafimaad oo ku saabsan ka feejignaanta xannuunka Corona-virus ay ka fuliyeen xudduuda laga soo galo Somaliland ee Wajaale, waxaanuu intaas ku daray inay u kuur galeen sida dadka degmadaas ku nooli u qaateen fariimaha ku baabsan xannuunka Corona-virus.

Cabdiwahaab Nakruuma, waxa uu xusay in arrimaha ay hubinayeen ay ka mid ahayd, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo sida loo fulinaayo hawl-galada baadhitaanka ah ee dadka ka soo gudbaaya xuduuda Wajaale.

Ugu dambayn madaxa fayo dhawrka ee wasaaradda Caafimaadka Somalilanad Cabdiwahaab Cabdi Jaamac waxa uu guud ahaan dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay ka feejignaadaan xannuunka Corona-virus oo hadda dib wadamo badan oo adduunka ah ugu soo laba kacleeyay, madaama xannuunkaasi Somaliland ka jiro waxa uu bulshada u soo jeediyay inay raacaan talooyinka ka soo baxa wasaaradda caafimaadka.

 

Category