Somaliland Oo Tartan Dhinaca Orodka Ah Kaga Qayb-Gelaysa Dalka Jabuuti

Hargeysa(RH):-Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyey in ciyaartoy Somaliland ka socdaa ay ka qaybgalidoonaan Tartan caalami ah oo lagu qaban doono dalka Jabouti.

 

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ,Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Hogaanka Ciidamada Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale. Ayaa sheegay In Orodyahano ka socda Somaliland ay dalka jabuuti kaga qaybgalidoonaan tartan ciyaareed dhinaca orodka ah.

Waxaanu Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland,  sheegay in Tababar ku filan la siiyey ciyaartoydan ka qayb geli-doonta tartan Ciyaareedkan .

Ciyaartoydan oo ka tirsan kooxda Ciidamada Qaranka ee Gaashaan ayaa lagu soo xushay tartan dhinaca orodada ah oo ka dhacay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, iyaga oo kaalmaha kowaad iyo labaad ka galay tartankaasi, waxa uu sidoo kale Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland sheegay in ciyaartoyga galay kaalinta saddexaadna uu noqon doono kaydka ciyaartoydan oo lagu bedeli doono haddii mid ka mid ah ciyaartoydan wax la soo gudboonaadaan.

Waxa iyaguna goobtaas si wada jir ah uga hadlay hogaanka ciidamada Qaranka Somaliland iyo Abaanduulaha ciidamada Qaranka Somaliland, iyaga oo hambalyeeyey orodyahanadan ku ordaayey magaca ciidanka Qaranka Somaliland ee Gashaan ee ku guulaystay tartankaas, isla markaana Somaliland ku meteli doona tartanka Ciyaaraha orodada ee dalka Jabouti ka dhici doona.

Tartankan ciyaartoyda lagu soo xushay ee ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ayay  kaalmaha hore ka galeen orodyahano ka socday kooxda Magaca ciidamada Qaranka Somaliland ku ciyaarta ee Gaashaan, kuwaas oo kala ahaa. kaalinta koowaad waxa ku guulaystay Fu’aad Siciid Cali Halka Kaalinta labaadna uu ku guulaystay Xamse Haybe Aadan

Category