Somaliland Qofkii 14aad Oo U Geeriyooday Covid-19  iyo 37 Qof Oo Uu Soo-Ritey

Hargeysa(RH) Allah Ha U Naxariistee Qofkii 14 aad ayaa Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus.Sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland

Sidoo kale Waxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Shaacisay in Baadhitaano 72kii saacadood ee u danbeeyey lagu sameeyey 110 Qof in Xanuunka Covid 19 laga Helay 37 qof Oo Cusub Oo ah Muwaadiniin Somaliland u dhashay isla markaasina jooga Guud ahaan Magaalada Hargeysa.

Bukaanadan Cusub ayaa kala Ah 21 Rag Ah iyo 16 Dumar Ah waxayna Da’doodu u dhaxaysaa

(20jir ilaa 30jir = 18 qof)

(30jir ilaa 40jir = 9 qof)

(40jir ilaa 50jir = 2 qof)

(50jir ilaa 60jir = 4 qof)

(60jir ilaa 70jir = 3 qof)

(70jir ilaa 80jir = 1 qof )

Wadarta Guud Ee Xanuunka Laga Helay: 168

Wadarta Guud Ee Xiligan Xunuunku Hayo: 136

Wadarta Guud Ee Xanunka Ka Bogsatay: 18

Wadarta Guud Ee Xanuunka U Dhimatay: 14

 

Category