Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa Caawa Cispitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Marxuum Abdirahmaan Liibaan Fooxle.Sida Ay Radio Hormuud  U  Xaqiijiyeen Qaar ka mid Ah Eheladiisu.

 

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Abdirahmaan Liibaan Fooxle ayaa la sheegay inuu u Geeriyooday Xanuun kaga soo Booday Dhinaca Wadnaha.

Marxuum Abdirahmaan Liibaan Fooxle ayaa intii aan loo Magacaabin Xilkan U Hada Hayey ee Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland,waxaa Uu Mudo dheer ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska Somaliland Waxaana lagu Xasuustaa inuu ka mid ahaa Saraakiishii Dhidibada U Taagey Dhismaha Ciidamada Kala Duwan ee Somaliland.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland ayaa Shacbiga Somaliland ka Tacsiyadeeyey Geerida ku timid Allah Ha U Naxariistee Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland

Waxayna Marxuumka ALLE uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta,Ciidamada Kala duwan ee Somaliland  iyo Guud ahaan shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

 

Aamiin….Aamiin…Aamiin

Category