Xuquuqul iisaanka Somaliland Oo Ka Dayriyey Nidaamka Cadaaladdeed Ee Maxaabiista Jeelasha Dalka

Hargeysa(RH):-Warbixin ay soo saareen Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday Kiisas xukun laga soo saaray, oo racfaan laga qaatay, balse qofkii xukunka koowaad lagu riday oo dhamaystay muddadii lagu xukumay intii aan la guddo gelin rafcaankii uu ka qaatay xukunkiisa.

 

Qayb ka mid ah warbixintan ay soo saareen  Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland oo ay kaga hadleen Xuquuqda Rafcaanka iyo Dib u Dhaca Dacwadaha, ayaa waxa lagu yidhi

“Komishanku intii uu ku jiray kormeerka wuxuu xabsiyada qaarkood kula kulmay maxaabiis maxkamadda darjada koowaad xukuntay oo xukunkaas rafcaan ka qaatay laakiin se aan la dhaqaajin dacwadii rafcaanka ahayd sidaas na uu ku dhammaystay xukunkii uu rafcaanka ka qaatay isagoo xidhan oo aan la dhagaysan dacwadiisii rafcaanka ahayd.

Mid ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga Mandheera, oo Komishanku waraysteen, ayaa u sheegay sidan: “Waxaa laygu xukumay hal sano iyo lix bilood oo xadhig ah waxaanan ka qaatay racfcaan, laakiin se lama dhagaysan lama dhaqaajin dacwaddaydii racfaanka ahayd, waxaanan sidaa ku dhammaystay xukunkii aan ka qaatay rafcaanka”

Arrinkaasi wuxuu caqabad ku yahay hannaanka caddaaladda bulshada nugul ee aan haysan cid u dhaqdhaqaaqda isla markaana aan helin adeegga kaalmo sharci ayaa u badan dadka la kulma tacaddiyada noocan ah.

 

Sidoo kale, waxa Komishanku ogaaday inay jiraa dib u dhac iyo habsan ku dhaca dacwadaha inta lagu gudo jiro baadhista iyo dhageysiga dacwadaha, kuwaas oo dadka qaar la kulmaan in muddo badan garsugayaal ku ahaadaan xabsiyada iyo jeelasha dalka.

“Waxaan rumaan ahaa 5 sanno oo aan ku jiray jeelka waxaan ka aamin baxay caddaaladda”Ayuu yidhi Mid ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga weyn ee Hargeysa, oo ay la kulmeen Kormeerayaal ka socday Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka.

 

 

Category