Warar

RH: Allaha u naxariistee waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde laga soo dajiyey meydka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddiga qaban-qaabada ee loo saaray aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sugan garoonka magaalada Muqdisho.