Warar

Hargeysa(RH)Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.