
RH: Danmark ayaa laga bilaabo bartamaha sanadka 2025 u diri doonta laba xubnood oo ka tirsan ciidankeeda hawlgalka tababarka iyo dhismaha awoodda ee Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Danmark, labada qof ee la dirayo looma shaacin doorkooda ama hawlahooda sababo la xiriira arrimo amni.
Ujeedada ka dambeysa ka qaybqaadashada Danmark waa in la taageero awoodda Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxda mintidka ah ee Al-Shabaab, loo xakameeyo burcad-badeedda, loona hortago dambiyada xuduudaha ka gudba.
Troels Lund Poulsen, Wasiirka Gaashaandhigga Danmark, ayaa sheegay in ka qaybgalka hawlgalka uu yahay "farriin muhiim ah" oo muujinaysa in Danmark ay si firfircoon uga qaybqaadato hawlgallada milatari ee Midowga Yurub ee loogu talagalay nabadda iyo amniga Afrika.
“Tani waa hawl muhiim u ah amniga Afrika, Danmark iyo guud ahaan Yurub,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Geeska Afrika uu yahay meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Denmark iyo Yurub. Sidaas darteed, waa sababta ay Soomaaliya u noqotay halkii ugu horreysay ee laga bilaabo tababarka.
Ugu dambayn, tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay si madaxbannaan u xalliyaan arrimaha amni ee gudaha dalka.
“Xaaladda cusub ee juqraafiyeed waxay u baahan tahay ka go’naansho buuxa oo Denmark ah si ay uga qaybqaadato hawlgallada Midowga Yurub. Waa inaan ka difaacnaa qiyamka aasaasiga ah ee nabadda iyo amniga caalamiga ah — ha noqoto Yurub ama meel kale. Midowga Yurub wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa arrintan,” ayuu yiri Troels Lund Poulsen.