Dawlada Denmark oo baarlamaanka horgeynaysa sharci mamnuucaya gubida Quraanka iyo kutubta kale ee barakeysan.

Deg-deg: Shir jaraaid oo ay goor dhaweyd qabteen xisbiyada saddexda ah ee ku midaysan hogaanka wadanka Denmark oo kala ah Social dimucqrat, Modarat iyo Venstra  oo ay afkooda ku hadlayeen hogaanka xisbiyadaasi ayaa cadeeyay in ay baarlamaanka horgeyndoonaan 01.09.23  sharci mamnuucaya in kitaabka quraanka ah la gubo iyada oo loogu soo dhuumanayo xuriyada aragtida qofka.

Waxaana aaney saddexdaas wasiir ee shirka jaraaid qabtay saxaafadu waydiisay su'aalo aad u tiro badan oo ay ka jawaabeen.

wasiirka arimaha dibada ayaa sheegay in dunidii si qaldan u fahmtay in aynu isku raacsanahey gubida kitaabka quraanka ah iyo kutubta kale ee diimeen, markii ay shaashadaha ka daawadeen iyada oo nin qudhaati gubayo kitaabkii booliiskiina uu hareero socdo oo ay amnigiisa dhawrayaan, taasi waxay ay u fahmeen dadkii Islaanku in aynu madax iyo mijo isku raacsanahay gubida kutubta barakaysan, hadii se aynu sharcigan meel marino aragtidaasi meesha way kabaxaysaa.

wixii kalsoo kordha iyo marka baarlamaanka sharcigan la horgeeyo kala soco barnaamijyadayada soo socda.

Category