Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa(RH):-Fadhi ay yeesheen golaha wakiillada oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiga ku sugnaa 42 mudane waxa xeerkaasi cod aqlabiyad ah ku meel mariyay 36 xildhibaan, 4, xildhibaan ayaa ka aamusay waxa diiday 1, xildhibaan Guddoomiyuhuna ma codayn sidaasina waxa ku ansaxay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021.

Geesta kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Faraax Aadan Haybe, oo ka hadlay xeerka golaha wakiiladu ansixiyeen ayaa sheegay in xeerkii hore ee shaqaalaha dawladu uu ahaa xeer wakhti hore la sameeyay xeerkanina muhiimad balaadhan siinaayo xuquuqda shaqaalaha dawladda isaga oo u mahadnaqay golaha Xukuumadda oo uu hore uga soo gudbay iyo golaha wakiiladda ee maanta ansixiyay.

 

Category