Golaha Wakiillada Somaliland Oo loo Furey Tababar ku Saabsan Curinta Shuruucda iyo Xeerarka Dalka

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa tabbabar ku saabsan curinta shuruucda iyo xeerarka u furay xildhibaanada cusub ee golaha wakiillada Somaliland.

Hay’adda UNDP ayaa soo qaban qaabisay tabbabarkaasi waxaana bixinaya casharada khabiiro aqoon durugsan u leh arrimaha baarlamaanka, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenadii hore ee golaha wakiillada Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Cabdicasiis Samaale iyo sidoo kale xildhibaan hore Siciid Maxamed Cilmi Siraadle iyo khuburo kale oo ka socotay UNDP.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo tabbabarkaasi si rasmiya u furay ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan aqoonta muddada ay socoto, isaga oo tilmaamay in tabbabarkani wax weyn ka tari doono fahamka guud ee curinta shuruucda iyo xeerarka dalka.

Guddoomiyaha golaha wakiilladu waxaa uu intaas ku daray in aqoonta iyo cilmiga aan laga korin isla markaasna ay waajib tahay markasta oo la qabanayo shaqo kugu cusub lagu tabbabaro, waxaanu xusay in mustaqabalka tabbabaro kale la qaban doono.

Geesta kale xoghayaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sheegay in xidhiidh wada shaqeyneed oo wanaagsani ka dhaxeeyo golaha wakiillada hay’adda UNDP, waxaanu tilmaamay in  tabbabarkaasi ay bixinayaan khuburo aqoon dheerada u leh aqoonta baarlamaanka oo waddanka gudihiiisa iyo debediisaba.

 

Xoghayaha golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Aqoon is weydaarsigani waxaa uu socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana hawshani inoo wada hay’adda UNDP.

 

Hay’adda UNDP waa saaxiibka koobaad ee golaha wakiilladu leeyahay, muddo shan iyo toban sanno ah ayay golahani la soo shaqeynaysay, wax faro badan ayay golahani u qabatay, waxaanu leenahay halkaasi ka sii wada saaxiibtinimadeena.

 

Siminaarkan waxaa lagu baran doona dhammaan arrimaha baarlamaanka, waxaana tabbabarka bixin doona khuburo ka socota UNDP”

Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Hay’adda UNDP waa saaxiibka koobaad ee golaha wakiilladu leeyahay, waxaanu tirin doona haddii ILLAAHEY yidhaaho mustaqbalka wixii ay qabtaan wixii taariikh ahina waa ay u qoran tahay, balse hadda noo xisaabsan waxa ay noqon doonaan wixii ay mustaqbalka golaha galiyaan.

 

Xasan Ibraahim khabiirka UNDP ka socda oo aan is leeyahay wax badan ayaa laga faa’idi karaya oo shir-guddoon iyo goleba saddexda maalmood ee hawshu socoto aynu wakhti gelino.

Aqoonta iyo cilmiga lagama koro qof kaliya oo qani ka ahina ma jiro, ama wada yaqaana waxa maanta halkan lagu bixinayo ama berri lagu bixinayo, marka golahan iyo sida uu u shaqeeyo iyo awoodihiisa meelaha kale ee ay iska soo galaan isaga iyo hay’addaha kale ee dawladdu ama ha noqoto xukuumad ama hay’addaha kale ee dawliga ah doorkiisa dabagalka iyo ilaalinta isaga iyo shaqooyinka ka dhaxeeya laamaha dawladda, deegaanadii laga soo doortay iyo degaamadii uu ka yimid habka uu ula dhaqmayo marka uu ugudbinayo baahiyaha degaanka iyo dadkii soo doortay waxaanan qabaa in qofkeena aanu si u xil gudan karin,”

Category