Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo War ka Soo-Saarey Xadhiga Murashixiinta

Hargeysa(RH):-Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta War-Saxaafadeed ka soo saarey xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland

Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa  sheegay in aanay bannaaneyn sharciyan xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashada, sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka, Qodobka 26-aad Farqadiisa 2aad.

War-saxaafadeedkan Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

gu

Qoraalkan ay Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay  ka soo saareen  xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili ay xabsiyada Somaliland ku xidh-dhidhanyihiin xubno ka mid ah murashixiinta u tartamaya doorashooyinka  Somaliland kuwaasi oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ay Xukuumada Somaliland xabsiga u Taxaabtey 

Category