Kenya Oo Dalal Somaliland Ku Jirto Xafiisyo Diblomaasiyadeed Ka Furanaysa.

Hargeysa(RH):-Dawladda Kenya ayaa qorshaynaysa inay xafiisyo ka furato Lix wadan oo ay Somaliland ku jirto sannadkan gudihiisa,sida lagu sheegay war lagu baahiyey warbaahinta dalka Kenya,gaar ahaana Business news Daily Afrika.

Waddamada ay dawladda Kenya qorshaynayso in ay ka furato xafiisyo diblomaasiyadeed ayay ka  mid yihiin Somaliland,Jabuuti,Indonesia ,Switzerland,Tanzania iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,waxaanay xafiisyaddani si toos ah u hoos tegi doonaan sida warkan lagu sheegay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxa warkan lagu sheegay in xafiisyaddan diblomaasiyadeed ay kordhin doonaan metelaadda dibadda ee dalka Kenya,gaar ahaana wadamada ajaanibka ah,iyada oo ay laban laabi doonaan xidhiidhka dhaqaale,ganacsi iyo dhaqan ee wadamadaas ay la leedahay dawladda Kenya.

Xafiisyaddan ayaa sidoo kale isku xidhi doona Jaaliyaddaha Kenya ee ku nool wadamadan ay dawladda Kenya ka furan doonto xafiisyaddan Diblomaasiyadeed.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii uu madaxweynaha dalka Kenya William Ruto dib u habayn ku sameeyey siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya,iyada oo xafiisyadan diblomaasiyadeed ka dhigaaya tiradda xafiisyadda diblomaasiyadeed ee Kenya 66 xafiis,waxaanay hore u ahaayeen 60 xafiis.

 

 

Category