Hargeysa (RH)-Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday xaflad uu xilka kula wareegayay madaxweynaha dhawaan la doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Xafladda xil wareejinta ayaa ka dhacday qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland, ayaa sheegey in uu nabad ku raadinayo wax ugu yeerey "Gobollada Bari ee Somaliland".
Waxa uu soo bandhigay wax yaabaha uu qaban doono.
Madaxweyne Cirro ayaa ku guuleystay doorashadii 13-kii bishii November dhacday, waxaana uu ka adkaaday madaxweynihii horre Muuse Biixi Cabdi.
Cirro ayaa noqonaya madaxweynihii lixaad ee Somaliland iyo madaxweynihii afaraad ee si dimuquraadi ah loo soo doorto.
Marti badan ayaa lagu casuumay xafladda uu xilka ku kula wareegay madaxweynaha cusub ee Somaliland.
Qaban qaabada xafladda ayaa maalmahan socotay, waxaana uu noqon doono madaxweyne Cirro madaxweynihii afaraad ee si dimuquraadi ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Hagaysa-Somaliland