Maxaa ka jira in DF Somalia ay ka laabatay dacwaddii badda ee kala dhaxeysa Kenya

Muqdisho (RH)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda federaalja Soomaaliya ay ka laabtay dacwaddii badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya

Ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sidoo kale dowladda Soomaaliya uga wakiil dacwaddan ka furan magaalada Heuge ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda ICJ go’aan ka gaari doonto.

“Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Hadalka ra'iisal wasaare ku xigeenka ayaa ku soo aadaya iyadoo labada dowladood ay sheegeen in dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasi ee ka dhexeeyay labada dal.

Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category