Maxaa ka jira in ilaalada xildhibaan Cabdullaahi Kulane la amray in laga wareejiyo

Muqdisho (RH)-Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa kahor intii aysan ka duulin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, una socdaalin Imaaraatka Carabta amray in Ilaalada laga wareejiyo Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane, oo horey usoo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda NISA, haddana katirsan mudanayaasha golaha shacabka.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in ay haystaan Amarka agaasimaha oo bixiyey kahor intii uusan raacin Madaxweynaha, kaas oo ah in dhammaan Ilaalada laga qaado Mr, Kulane.

Sidoo kale, Labo kamid ah Ilaalada Xildhibaan Kulane ayaa laga xiray maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo fasax ugu baxayey qoysaskooda oo degan meel kabaxsan Caasimada Soomaaliya.
Xigasho

W/Q:Farah Abdulkadir Mohamed

Category