Militeriga Soomaaliya oo la wareegay deegaan hoostaga Xarardheere

Dhuusamareeb (RH)-Warrarka ka imaanaya gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya ay saaka galeen tuulada Ceel Huur oo qiyaastii 50 km u jirta degmada Xarardheere.

Ciidanka qabsaday Ceel Huur ayaa ku yimid wadada xeebta ee ka timaada degmada Hobyo tagtana degmada Xarardheere.

Ma jiro wax iska hor’imaad ah oo la soo weriyay, iyadoo kooxdii horey gacanta ugu haysay Ceel Huur ee Al-Shabaab ay isaga tageen tuulada sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku dhawdhaw wasaaradda amniga ee maamul goboleedka Galmudug.

Ciidanka dawladda ayaa sidoo kale dhawr jiho oo kale ugu sii dhawaanaya magaala xeebeedka Xarardheere oo kooxda Al-Shabaab ay maamulaysay tan iyo sanadkii 2010 kii, waxayna saldhig u ahaydhawgaladda kooxdu ka fuliso gobollo badan oo ku yaala Soomaaliya tan iyo waagaasi..

Xigasho: BBC

Category