Nin Soomaali-Danish Ah oo La Xukumay

RH: Gabar 12 jir ah ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga oo lagu sameeyo gabdhaha Soomaaliya. Hadda, aabaheed ayaa lagu xukumay xabsi ka dib markii lagu helay inuu ku lug lahaa falkaas.

Nin 57 jir ah oo Soomaali-Danish ah ayaa Isniintii lagu xukumay labo sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dembi ah inuu ka qayb qaatay gudniinka gabadhiisa. Sidaas waxaa shaaciyay booliiska degmada galbeedka Copenhagen war-saxaafadeed ay soo saareen.

Ninkaan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka qayb qaatay in gabadhiisa oo markaas 12 jir ahayd lagu sameeyo gudniin.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan la ogeyn sida uu ninkaasi uga falceliyay xukunka.

Fal-dembiyeedka ayaa ka dhacay meel aan si faahfaahsan loo sheegin gudaha Soomaaliya sanadkii 2014, sida uu booliisku sheegay. Gabadhii ayaa waxaa  si qasab looga soo saaray guri waxaana lagu dul dhigay sagxad halkaas oo iyada oo aan la suuxin lagu sameeyay gudniin taasoo sababtay dhaawacyo joogto ah oo ku yimid xubinta taranka, sida booliisku sheegay.

Gabadhan iyo hooyadeed iyo afar walaalaheed ah ayaa muddo sanado ah qasab loogu haystay Soomaaliya. Laakiin waxay dib ugu soo laabteen Denmark sanadkii 2020 iyaga oo kaashanaya dhinacyo kala duwan. Wixii markaas ka dambeeyay, booliiska ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan arrintaas.

Labo dumar ah oo ka tirsan qoyska gabadha ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad la xiriirta kiiskan. Mid ka mid ah haweenka la eedeeyay ayaa lagu helay dambi, laakiin wali lama go’aamin ciqaabta la siin doono. Kiiska haweeneyda kale ee qoyska ka tirsan ayaa laga soocay waxaana loo eegi doonaa si gaar ah.

"Gudniinka fircooniga ah  waa xadgudub galmo oo xun oo loo geysto gabdhaha oo kaliya maxaa yeelay waa gabdho. Ma laha wax faa'iido caafimaad ah gudniinkani waxaase loo sameeyaa in aan gabadha la caayin iyo iyo in  aysan u dareemin dareen galmo," ayay kutiri xaakimka gaarka ah ee dacwad oogaha Nataja Fryd Lindberg war-saxaafadeedka.

"Denmark waxaanu u leenahay awood aan ku dacweyno dadka u safra dibadda si ay u sameeyaan gudniinkan oo kale. Tani waa dambi halis ah kaas oo ay tahayin  hay’adaha Denmark si aad ah uga hortagaan," ayay tiri kadib xukunka.

Mar dambe ayaa  la go'aamiyaa haddii ay tahay in magdhow la siiyo gabadha la gudey.

Category