NOVO NORDISK: MUCJISADA DHAQAALAHA DENMARK.

RH: Shiirakadan oo sameysa dawooyinka ayaa  ka mid ah hurmuudka shariikada casriga ah ee wadanka Denmark .. waxaana hada ay gaadhey heer caalami oo  iyada oo noqotay shariirada ugu qiimaha badan qaarada yurub iyo shariikada  liistada nr 19 kaga jirta shariikadaha dunida ugu qiimaha iyo dhaqaalaha badan iyada oo ka hor martay shariikadaha kala ah Coca-Cola, Shell, McDonalds iyo Netflix   ,

Novo nordisk ayaa waxa ay dakhligeeda faaido kordhisay sannadkan 2023 dhaqaale dhan 43%  ,  shariikada ayaa hore u soo saari jirtay dawada Insolinta ee lagu daweeyo dadka la nool xanuunka macaanka ,balse mucjida hada dhaqaalaheedii wax ka badashay waa laba dawo  ee kala ah Wegovy og Ozempic oo loogu talagaley in lagula dagaalamo cayilka ama dadka sida xad dhaafka ah ucayilan oo ay dawadaasi mudo kooban miisaankooda ku dhimayso.

Dhaqaalaha sannadlaha ah ee shariikada ayaa waxa uu ka batay hada guud ahaan dakhliga guud ee wadanka Denmark kadib kolkii uu gaadhey 3000 oo bilyan oo kr.

Bangiga qaranke ee Denamark ayaa sheegay dhawaan in shariikadan dhaqaalaheedu uu jaangoynkaro dhaqalaaha guud ee Denmark hadba sida uu noqonayo.

Khabiir ku takhasusay dhaqaalaha ayaa isaguna uga digay dawlada iyo shacbiga Denmark in aad looga taxadiro ku tiirsanaanta iyo isku haleyn buuxda oo lagu yeesho dhaqaalaha xad dhaafka ay ee ay shariikadu ku soo kordhisay dalka , isaga oo tusaale u soo qaatay shariikadii Nokia ee dalka Finland oo dalkaas dhaqaalihiisa iyo magaciisaba cirka gaysay in marki la sooo saaray Iphone iyo Samsun ay dhulka gashey marqudha , kadibna ay saameyn xun ku yeelatay dhaqalaahihii iyo filashadii dalka finland.

Dhanka kale madaxa shariikada NovoNordsk  mr Lars Fruergaard Jørgensen ayaa  isagu ku faanay in aanay shariikadu soo liici doonin oo ay u diyaarsantahay tartanka caalamiga ah isla markaasina uu rajeynaayo in koboceeda dhaqaale cirka isku sii shareeri doono sannado badan oo soo socda.

Shariikadan Novonordisk  ayaa hada waxaa ushaqeeya  55000 oo qof Calaamka oo dhan.

Waxaa laga yaabaa in aad is waydiinayo mushaharka agaasimaha guud ee shariikadan Mr. Lars, sida aanu ka soo xiganey google waxaa uu mushahar u qaatay sannadkii hore 2022 lacag dhan 60.1 milyan  kr, oo u dhiganta ilaa 9 milyan oo doolar.

 

Category