Orodyahano Ka Socda Somaliland Oo Dalka Dibaddiisa Ugu Baxay ka qaybgalka Orodo Caalami Ah.

Hargeysa(RH):-Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland oo kaashanaaya wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa madaarka diyaaraddaha ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa ka ambabixiyey laba orodyahan oo ka qayb geli doona tartan ka dhici doona wadanka Jabuuti.

Tartankan ay ka qayb geli doonaan labadan orodyahan ee reer Somaliland oo xambaarsan calanka iyo magaca Somaliland ayaa noqon doona mid haaf maratoon ah,waxaana ka warbixiyey tartankaasi Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland,waxaanay tilmaameen in tartankan ay ka qayb geli doonaan Orodyahanadan reer Somaliland uu dhici doono maalinta Jimcaha ah ee Berri,iyada oo ay dalal badani ka qayb geli doonaan tartankan,waxaanay Orodyahanadan u rajeeyeen guul ay kasoo hooyaan tartankaas orodada ah.

Mas’uuliyiintan ayaa u mahadceliyey Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee dalka Jabuuti oo ay sheegeen in ay ka heleen marti-qaadka ka qaybgalka tartanka ciyaaraha fudud,waxaanay cadeeyeen in ay wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somalilandba ka go’an tahay in ay kor u qaadaan xidhiidhka kala duwan ,sida xidhiidhka Ciyaaraha Fudud.

Category