Qaadashada jinsiyada Jarmalka oo la fududeeyey

RH: Shuruucda cusub ee qaadashada jinsiyadda Jarmalku waxay dhaqan gashay todobaadkii hore  27-ka Juun 2024 waxayna fududeysay habka helitaanka jinsiyadda Jarmalka. Qodobada ugu muhiimsan ee sharcigan cusub waxaa ka mid ah:

1. Waqtiga Dheeraynta: Hadda waxaad codsan kartaa jinsiyadda Jarmalka kaliya shan sano ka dib markaad Jarmalka ku nooshahay, halka markii hore loo baahnaa in la sugo siddeed sano. Haddii aad muujiso "waxqabadyo gaar ah oo isdhexgal ah" sida aqoonta wanaagsan ee luqadda Jarmalka ama hawlo tabarucnimo, waxaad heli kartaa jinsiyadda kaliya saddex sano gudahood

2. Lahaanshaha Labo Jinsiyadood: Hadda waxaa suurtagal ah inaad haysato labada jinsiyadood ee Jarmalka iyo dal kale, taasoo meesha ka saartay shuruudii ahayd inaad iska dhaafto jinsiyaddaadii hore si aad u qaadato jinsiyadda Jarmalka

3. Caruurta Carruurta ku dhalata Jarmalka oo waalidkood mid ka mid ah uu Jarmalka ku noolaa shan sano waxay si toos ah u helayaan jinsiyadda Jarmalka. Horey waxay ahayd in waalidku Jarmalka ku noolaado ugu yaraan siddeed sano.

4. Baaritaanka Jinsiyadda Qaar ka mid ah dadka, gaar ahaan kuwii horey usoo noqday shaqaale martida ah sida turkida, looma baahna inay sameeyaan ama galaan  imtixaanka jinsiyadda Jarmalk.

5. Caddeynta Taageerada Dhaqaalaha: Dadka doonaya jinsiyadda waa inay muujiyaan inay awoodaan inay  masruufaan naftooda iyo qoysaskooda, inkastoo ay jiraan waxyaabo ka reeban shuruudaha qaarkood.

6. Qirashada Qiimaha Jamhuuriyadda Federaalka ee jarmalka: Dadka doonaya jinsiyadda Jarmalka waa inay muujiyaan inay taageersan yihiin qiyamka dastuurka Jarmalka, oo ay ku jiraan la dagaalanka cunsuriyadda iyo antisemitismka ( Naceybka yuhuuda).

Sharcigan cusub wuxuu qayb ka yahay dadaalka lagu doonayo in la xoojiyo isku dhafka bulshada Jarmalka iyo in la fududeeyo geeddi-socodka in la siiyo jinsiyadda dadka muddo dheer kunoolaa  dalka Jarmalka.

Category