Qabyaalad maka jirtey ama maka jirtaa dalalka reer galbeedka

RH:  HAA , qabyaaladdu ma ahan wax ku kooban meel gaar ah ama dhaqan gaar ah; waa dabeecad bani'aadam oo soo jireen ah oo ka jirta bulshooyinka daafaha dunida oo dhan, oo ay ku jiraan dalalka reer galbeedka.

Qabyaaladda reer galbeedka waxay inta badan usoo baxdaa qaababka isir-naceybka, eexda, iyo cadaalad darrada bulshada dhexdeeda, inkastoo aanay qaababkaas loo aqoonsan karin qabyaalad dhaqameedka sida kuwa ka jira qaar ka mid ah bulshooyinka afrika.

Waa maxey qabyaalada?

Qabyaaladdu waa hab-dhaqan bulsho oo ay dadku isu kala saaraan ama isugu xirmaan qoys, qabiil, ama jilib ahaan. Waxay inta badan ku saleysan tahay aqoonsiga qofka ee ku xiran abtirsiinyada ama nasabka, iyadoo dadka isku qabiilka ama jilibka ah ay isu arkaan inay yihiin kuwo isku dan ah. Qabyaaladda ayaa mararka qaar keeni karta caddaalad darro, eex, iyo in dadka aan ka tirsaneyn qabiilka ama jilibka la faquuqo. Waxaa kale oo ay dhalin kartaa iska hor imaadyo iyo colaado ka dhex dhaca bulshooyinka kala duwan.

Qabyaalada iyo dimuquraadiyadu ma isla jaanqaadi karaan?

Qabyaalada iyo dimuqraadiyaddu inta badan way ska hor imaan karaan sababtoo ah qabyaaladdu waxay dhiirigelisaa kala qeybsanaan iyo go'aan qaadasho ku saleysan abtirsiinyo halkii laga qiimeyn lahaa tayada shaqsiga ama siyaasadaha.

Dimuqraadiyaddu waxay ku dhisan tahay mabaadi'da sinaanta, xoriyatul qowlka, iyo doorashooyinka xorta ah, halka qabyaaladdu ay xoojiso kala sooc iyo xulafaysi ku dhisan qabiil iyo qaraabo kiil, taasoo carqaladeyn karta habsami u socodka iyo caddaaladda dimuqraadiyadda.

Category