Sawirro: Sidee maanta looga xusay Muqdisho 64 sanno guurada xorriyadda?

Muqdisho (RH)-In kastoo maanta galinkii horre wadooyinka caasimadda ay xirnaayeen, haddana Muqdisho lagu qabtey munaasabad weyn oo lagu xusayo 64 sanno guurada ka wareegtay markii gobollada koofureed ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegan 1960-kii.

Meelaha uu dabaal degga ka dhacay waxaa ka mid ah daljirka Daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho, halkaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu ubax dhigay si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan sharraf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka Sida oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka.

Dabbaal degga munaasabaddan waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee Ciidamada Cirka, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aadXasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aadMuqdisho oo laga xusay sannad guurada 64-aad ee xorriyaddaMuqdisho oo laga xusay sannad guurada 64-aad ee xorriyaddaMuqdisho oo laga xusay sannad guurada 64-aad ee xorriyaddaMuqdisho oo laga xusay sannad guurada 64-aad ee xorriyadda

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category